Muqdisho-RisaalaFM- Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa amaro cusub dul dhigay shacabka ku nool degmada Xamar Jajab.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Shacabka looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan Nadaafada degmada, sidoo kale waxa uu sheegay in talaabo sharci ah laga qaadayo cidii biyaha wasaq ah ku soo daadisay Laamiga iyo goobaha kale ee Ganacsiga hortooda.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka degmada Xamar Jajab ay Saakay bilaabeen Xeritaanka Wadooyinka Xaafadaha ay ka yimaadaan biyaha.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cusmaan Dhoore ayaa sidoo kale sheegay in ay soo saareen amaro cusub oo ah in aan qashin lagu shubi Karin Barxada Biyaasa liibaro oo ku taalla meel u dhaw Shaneema Afrika.
Waxa uu sidoo kale sheegay in muddo 2 maalin ah ay u qabteen in dadka qashinka iyo gawaarida haleysan ay kaga qaadaan Barxada Biyaasa liibaro.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Maamulka degmada Xamar Jajab uusan aqbali doonin Nadaafad daro ka jirta Xaafadaha iyo goobaha Ganacsiga ee degmada Xamar Jajab.
PHOTOS: Abdirashiid Ali Dubbad Gacal



