DHAGEYSO: Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay dileen cunug 4 sano jir ah

Wasiiru dowladaha Wasaarada Amniga Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay bulshada kunool Galbeedka Magaalada Kismaayo in ay bilaabaan dagaal ka dhan ah Xarakada Al-Shabaab.

Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dileen dad shacab ah ,islamarkaana ay xoolo badan ay ka dhaceen.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay dileen cunug 4 sano jir ah.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Amniga Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidanka Jubbaland ay wadaan howgallo xoogan oo lagu la dagaalamayo Al-Shabaab.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay ku raadjoogaan xoolo ka badan labo kun oo Neef oo ay sheegeen in ay ka dhaceen Xarakada Al-Shabaab dad xoolo dhaqato  ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Jubbaland ayaa sheegay in dad Xoolo dhaqata ah ay Al-Shabaab ay ka dhaceen xoolihii ay haysteen ka dib markii ay diideen in ay bixiyaan waxa ay Al-Shabaab ugu yeeraan Zakawaadka.