DHAGEYSO: Al-Shabaab oo kordhiyay Go’doonka ay ku hayaan degmada Qansaxdheere

Wararka naga soo gaaraya degmada Qansax dheere ee gobolka Baay ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay cunaqabateyn kusoo rogeen degmada Qansaxdheere.

Ururka Al-Shabaab ayaa kordhiyay Go’doonka ay ku hayaan degmada Qansax dheere ee gobolka Baay.

Sidoo kale waxaa  la sheegaya in ururka Al-Shabaab go’doonka ku hayaan deegaano Hoos yimaada degmada Qansax dheere.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Qansax dheere ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay dhibaato weyn ku hayaan dadka kunool degmada Qansax dheere iyo sidoo kale deegaanada Hoos yimaada.