Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa ka baxay Magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo oo ay saakay kala wareegeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Madaxa Amniga gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Risaala waxaa uu sheegay in xaaladda Ceel-waaq ay degan tahay,islamarkaana ciidamada dowladda Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay ka waddaan howlgallo lagu xaqiijinaayo amniga.
Al-Shabaab waxa ay sheegteen in saldhigga Ciidamada dowladda ee degmadaasi ay ku sugan yihiin ,islamarkaana ay ka qaateen saanad ciidan.


