DHAGEYSO: Ahlu Sunna Maxay ka Tiri Joojinta Qaadka ?

Dhuusa-mareeb-RisaalaFM- Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku mamnuucday Duulimaadyadii Qaadka ee imaan jiray Dalka.

Afhayeenka Ururka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe Mursal Maxamed Xeefoow oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in Ahlu Sunna uu go’aankaasi khuseyn islamarkaana ay ka soo horjeedaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in deegaanada ay maamulaan uusan ka dhaqan galeyn go’aanada ay soo saaraan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa 5-tii Bishan September waxa ay ku dhawaaqday in Dalka ay si ku meel gaar ah uga joojisay Duulimaadyadii Qaadka ee ka imaan jiray Dalka kenya, inkastoo shalay Deegaano ka tirsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland Qaadka uu si caadi ah uga soo degay.