DHAGEYSO: Afar ruux oo ku geeriyootay dab la qabadsiiyay gurigooda degaanka Bandiiradley

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Bandiiradley oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya, Afar ruux ayaa ku geeriyootay labo kalena dhaawac culus ayaa soo gaaray, kadib markii reerkaan Aqalkii ay deganaayeen dab la qabadsiiyay.

Amuurtaan ayaa dhacday xalay saqdii dhexe, xilli ay hurdeen reerka guriga deganaa, waxaana mar kaliya ay ku soo baraarugeen gurigooda oo gubanaya.

Guddoomiyaha Degaanka Bandiiradley C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay saddex Wiil iyo Gabar inay ku geeriyoodeen dabka la qabadsiiyay guriga, iminkana ay dhaawac culus yihiin hooyada reerka iyo Wiil kale oo ay dhashay.

Guriga reerkaan ay deganaayeen oo ka sameysnaa cooshad ayaa dabka markii la qabadsiiyay durba uu gubtay, taasi oo keentay inay ku geeriyoodan caruurta guriga.

C/risaaq Axmed Jaamac, ayaa sheegay inay wadaan Baaritaan ku aadan cida ka dambeysa falkaan naxdinta badan ee lagu gubay guriga ay deganaayeen Qoyskaasi.

Hooyada Guriga oo dhaawac ah ayaa sheegtay in falkaan uu ka dambeeyo wiil isaga la dhashay oo maalmahan muran uu kala dhaxeeyay, inkastoo aanan si rasmi ah loo cadeyn karin arintaasi.

Dhaawaca Hooyada iyo Wiilka kale, ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, halkaasi oo xaaladooda caafimaad lagu daaweynaayo.