Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ay wadaan Abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab.
Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo ka baxay Magaalada Baydhabo ayaa shalay waxa ay ku dagaalameen Xarakada Al-Shabaab degaano hoos yimaada degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.
Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira Dhimasho iyo dhaawac.
Wasiirka Wasaarada hubka dhigista iyo Maleeshiyaadka maamulka koonfur Galbeed Xasan Eelay ayaa Risaala u sheegay in u jeedka howlgalkaan uu yahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka kunool degaanada ay maamulaan Shabaab.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in degaano ay ku sugan yihiin Shabaab ay dad badan uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka.


