Dhageyso:-Aabe sababo layaab leh Wiilkiisa ugu dilay Xawaadleey

Aabaha  ayaa wiilkiisa waxa uu ku dilay deegaanka Xawaadleey  oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Balcad ee GobolkaShabeellaha dhexe,waxaana la sheegay in Aabaha uu ka tirsnaa koox diimeedka loo yaqaano Takfiir.

Wiilka la dilay oo da’diisa lagu sheegay 8 Sano jira ayaa mas’uuliyiinta deegaanka Xawaadley waxa ay Risaala u sheegeen in  sababta uu Aabaha u dilay inay tahay Hilib uu kasoo cunay Goob Xus uu kajiray.

Dilka ayaa wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in uu Aabaha u adeegsaday Tooreey.

Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey Cabdulle Macaan Adeerow oo la hadlay  Risaala ayaa sheegay in Wiilka yar ee la dilay uu hilibka ka soo cunay goob lagu xusayay Ayeeyadiis oo dhimatay,isla markaana meydkiisa laga helay Wabiga dhexdiisa.

Waxa uu sidoo kale uu hadalkiisa intaasi ku daray in Aabaha la dilay ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen,sidoo kalena Dugsi Quraan iyo masjid ay ku sugnaayeen Jameecada Takfiir la burburiyey.

Dhageyso Codka Guddoomiyihii hore ee Tuulada Xawaadleey.