Mudug-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya gobolka Mudug gaar ahaan deegaanka Saddex Xigle ayaa sheegaya in Aabe iyo 3 caruur ah oo uu dhalay ay ku geeryoodeen ka dib markii ay ku dhacday Biriq.
Gobolka Mudug mudooyinkii dambe waxaa ka da’ayay Roobab ay dadka ku qabowsadeen inkastoo ay jiraan halis ka dhalatay Roobabkaasi.
Aaabaha geeryoodey iyo 3-da caruur uu dhalay ayaa la sheegay in hal meel ay ku wada sugnaayeen hayeeshee ay ku dhacday Biriqdaasi.
Sidoo kale wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Biriqdaasi ay dishay xoolo ay la haayeen reerkaasi sida dadka deegaanka 3 Xigle ay usheegeen warbaahinta.


