DHAGEYSO: 6 qof oo ku geeriyootay degmada Aato

Wararka naga soo gaaraya degmada Aato ee gobolka Bakool ayaa waxa ay sheegayaan in cudurka Shuban biyoodka uu soo ritay dad badan.

Gudoomiyaha Degmada Aato ee gobolka Bakool Wardheere Ducaale Maxamuud ayaa sheegay in 6 qof ay cudurka Shuban biyoodka ay ugu geeriyoodeen Degmada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan dad aad u farabadan oo uu soo ritay Cudurka ,kuwaasoo hadda la dhigay Isbitaalada degmada Aato.

Dowladda Soomaaliya ,maamulka Koonfur Galbeed iyo Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay in dadka kunool degmada in ay lasoo gaaraan gargaar Cafimaad oo deg deg ah.