DHAGEYSO: 4 Degmo oo ka mid ah gobolka Banaadir oo aan la heyn saldhigyo Booliis

Taliska qeybta Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir aysan la heyn saldhig Booliis oo ay ku shaqeeyaan Ciidanka Booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay in degmooyinka kala ah Boondheere, Shibis, Shangaani iyo Waabari aysan la heyn saldhig booliis oo la isku raacsan yahay.

Waxa uu sheegay in Taliska Booliska gobolka Banaadir ay caqabad weyn ay kala kulmaayaan degmooyinka aan la heyn saldhigyada , islamarkaana talisyada qaarkood ay ku shaqeeyaan Xaafado.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo sidoo kale taliyaha Ciidanka Booliska  Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xasan Xamud ayuu sheegay in uu ka codsaday in saldhigyo laga dhiso degmooyin aan la aheyn saldhigyada si loo xaqiijiyo amniga gobolka Banaadir.