DGE DEG: Dagaal ka socda Afgooye

Afgooye-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo Dagaal xoogan, kaas oo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar Qaraxyo ku bilowday ku qaadeen saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degmada Afgooye.

Dagaalkan ayaa la isku adeegsanayaa Hubka nuucyadiisa kala duwan, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dadkii ku dhaawacmay Dagaalkan in loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si xaaladooda caafimaad daro wax looga qabto.

War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen in ay la wareegeen saldhiga Ciidanka Booliska iyo xarunta Degmada Afgooye, inkastoo weli aysan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.