DFS oo war ka soo saartay duqeyn ma dhacday G/Bari

War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay iyada oo oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, in ay si wadajir ah u fuliyeen howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Duqeyntan oo dhacday maanta ayaa waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka ttirsan kooxda Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay kkonfur-bari ee magaalada Boosaaso ee Puntland.

“Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta, Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Halkan ka Akhriso Warsaaxafadeedka.