DFS oo soo geba gabeysay baarista Gal dac-wadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa soo geba-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday inay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay dacwadda hay’addaan dhawaan ay u gudbin-doonaan Maxkamadda gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

SAHAN oo dowladda Soomaaliya ay horay  ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda Curyaaminta haylkalka dowladdnimo, faafinta siraha amniga dalka iyo qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.