Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay Dalka ceyrisay haweeneyda lagu magacaabo Anna Saleem Högberg oo ahayd madaxa Hay’adda Gargaarka Sweden (SIDA) ee Soomaaliya, sida ay qortay majaladda Global Bar Magazine.
Arrintan kama hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Sweden iyo Hay’adda SIDA ee ay ka tirsaneyd, iyadoo arrinteeda laga dhigay mid heer hoose, tan iyo Markii Tallaabadan la qaaday oo ahayd bishii hore ee March.
Sababta Soomaaliya looga eryay Anna Saleem Högberg ayaa lagu sheegay ‘Sumcad dil’ ay kula kacday dowladda iyo Khilaaf kala dhaxeeyay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo madax ka ahayd hay’adda gargaarka Sweden ee Soomaaliya iyo Suudaan.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda horumarinta ee dalkaasi SIDA, ayaa diiday inay ka hadlaan arrintan.



