DFS oo digniin iyo hanjabaad u dirtay dadka maalgeliya kooxaha Argagixisada.

Screenshot

Shir jaraa’id oo maanta si wadajir ah u qabteen wasiirada amniga Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow , wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala iyo Xeer ilaalinta guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa go’aano adag ka soo saartay maalgelinta kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee xiligan dagaal adag ay kula jirto DF iyo Puntland.

Xubnahan ayaa waxaa ay shacabka iyo ganacsatada ay ugu digeen in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo caawin karta kooxaha argagixisada, gaar ahaan maalgelinta kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in cid kasto oo ku howlan maalgelinta kooxaha Argagixisada la beegsan doono, islamarkaana talaabo adag laga qaadi doono.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in ay hayaan xogta dad si dad ban iyo si toos ah u maalgeliya kooxaha Daacish iyo Al-shabaab.

Wasiirka amniga Soomaaliya Fartaag ayaa cid u sheegay in cidii lagu arko iyadoo dhaqaale u wada Argagaxisada talaabo adag laga qaadi doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.