War qoraal ah oo ka soo baxaya dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay howlgalka ay ciidamada Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay hawlgal ka fuliyeen tuulada Gaalware oo 4 km dhanka bari kaga beegan deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 25 ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, oo ay ku jireen saddex horjoogayaal sare.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa had iyo goor ka go’an ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, iyada oo kaashaneysa Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed.




