DF oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa dadka ee loo yaqaan Macawisleyda, ayaa guul weyn ka gaaray dagaal culus oo ka dhacay deegaannada Mabaax iyo Gayacad ee gobolka Hiiraan, Dowlad-Goboleedka HirShabelle, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa sababay jab xooggan oo gaaray kooxda Al-Shabaab, iyadoo lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Dowladda iyo geesiyaasha deegaanka ayaa wali wada howlgallo ballaaran oo lagu daba joogo firxadka Al-Shabaab ee isku dayaya in ay ka baxsadaan goobaha dagaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay difaaca shacabka, ilaalinta midnimada dalka, iyo ciribtirka buuxa ee kooxda Khawaarijta oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”