Muqdisho-RisaalaFM- Iska hor imaad kooban ayaa Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo kala ah Millitariga iyo Nabad sugidda waxa uu maanta ku dhexmaray laba barkontorool oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadyadan oo ka kala dhacay barkontoroolada Umbulotooriyo Ceelgaab iyo Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeryooday Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadda Sugiida gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid aheyd ilaaladiisa, dhanka Ciidanka Millitariga Hal Askari ayaa uga geeryooday.
Taliyaha Nabadda Sugiida iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si toos ah shacabka Soomaaliyeed ugu faah faahiyay dhacdooyinkii maanta, iyaga oo si toos ah u soo fariistay TV-ga warbaahinta Dowladda.
C/laahi maxamed Cali (Sambaloolshe) Taliyaha Nabadd sugidda wuxuu sheegay in ay socoto baaris la xiriirta arrintan, cidna aan looga aabayeeleynin, lana soo qabanayo raggii falkan ka dambeeyay.
Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed wuxuu sheegay falkan in loo saaray Guddi xaqiiqo raadin ah oo soo baara, arrintana aysan aheyn mid qorsheysan, cadaaladana la horkeenayo ragii falkan ka dambeeyay.



