Iyada oo Xalay War kasoo baxay Villa Somalia loogu baaqay Madaxda Maamul Goboleedyada in Shir isku yimaadeen, ayaa Waxaa Qoraal kasoo saaray arintaasi Maamulka Puntland.
Madaxdweynha Maamulka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa soo dhaweeyay shirka lagu baaqay 15 Febraayo, inkasta oo uu sheegay in aan lagala tashan in Garoowe lagu qabto.
Sida oo kale Waxaa uu intaa ku daray, maadama uu dhammaaday mudo xileedkii hay’addaha Dastuuriga ah ee DFS, uu ku talinayo in Shirka lagu qabto Magaalada Muqdisho, ayna kasoo qayb galaan Saamileyda Siyaasada iyo Beesha Caalamka.
Dowladu Waqtigiisu dhamaaday ayaa shir isugu yeertay Xalay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo dhameystir u ah fulinta heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar ee Sanadkii hore ee 2020-kii.



