Deni oo ku dhawaaqay wejiga seddexaad ee dagaalka Daacish.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Boosaaso ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay wejiga saddexaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda  Daacish, kaddib markii uu  la  soo gabagabeeyay wejigii labaad ee dagaalkaasi.

Saciid Deni oo bogaadiyay dhammaystirka wejiga labaad ee hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee maalmo ka hor lagu qabtay Taliskii Dhasaan ayaa ku dhawaaqay in maanta oo taariikhdu tahay 28 Febraayo 2025 uu bilaaban doono wejiga saddexaad ee dagaalka, kaasi oo firxadka dagaallamayaasha Daacish ee baxsadka ah lagaga sifaynayo degaannada Puntland.

 

“Waxaa rabaa maanta in aan halkaan uga dhawaaqo in wejigii labaad ee dagaalka uu soo geba-gaboobay, sidoo kalena berrito oo 28 bisha Febraayo uu wejigii saddexaad ee hawlgala bilaabanayo ilaa laga cirib-tirayo cid argagixiso ah oo Puntland dhaq dhaqaaq ku leh waa soconayaan wejiyada dagaalka markii mid dhammaado oo mid bilaabanayana waan u sheegi doonaa bulshada” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

 

Saciid Deni ayaa waxaa uu muddo toddoba cisho u qabtay, ganacsatada, siyaasiyiinta, Waxgaradka la shaqeeya Daacish ee sugan deegaanada Puntland in ay isku soo dhiibaan ciidamada ammaanka, haddii ay isa soo dhiibi waayeen ayuu yiri Puntland waxaa ay qaadi doontaa talaabo adag.