Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay Ciidamadeeda kala soo baxdo Gobolka Gedo faar ahaan degmada Garbahaareey, si Jubbaland ay u qabato doorasho xor iyo xalaal ah.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay Maanta Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya & Beesha Caalamka oo uu uga qeyb-galay Aalada Zooomka ayaa sheegay inay muhiim tahay in Madaxda Dowladda tixgeliyaan nidaamka, isla markaana Ciidamada ay geysay Gobolka Gedo ay dib uga soo celiso.
Saciid Deni waxaa uu sheegay in aan la fulin heshiiskii doorashada ee Madaxda dowladda & Dowlad goboleedyada, gaar ahaan kan ku saabsan in Guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada waqooyi lagu soo xulo wadatashiga dhamaan saamileyda kasoo jeeda Soomaaliland, waxaana uu ku baaqay in Guddiga doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi uu nqodo mid loo dhan yahay oo ay ka wada tashadaan dhammaan xubnaha saamileyda ee ka soo jeeda Somaliland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Guddiyada doorashooyinka ay dowladda soo magacaawday aysan buuxin shuruudihii heshiiskii doorashada, isla markaana ay walaac ka muujinayaan.
Madaxweynayaasha puntland iyo Jubbaland ayaan weli dowladda Federaalka soomaaliya u soo gudbin Guddiyada doorashooyinka Heer Dowlad goboleed, halka Maamulada, Galmudug, Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed ay u soo gudbiyeen.



