Kulanka labada dhinac ee Garoowe ayaa lagu wadaa in laga soo saaro go’aanno ku saabsan mowqif midaysan Puntland iyo Jubaland ka istaagaan khilaafka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaanna muranka ka taagan wax ka beddelkii Villa Somalia ku samaysay dastuurkii KMG ahaa ee dalka iyo sidoo kale khilaafka doorashooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe qorshaynayaan in mucaaridka Muqdisho lagu casumo Garoowe, si loo qabto shir ku saabsan jihaynta marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ugu horrayso doorashada Madaxtinimada dalka ee 2026.



