Wasiirka Wasaarada Amniga Maamul Goboleedka Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa ka warbixiyey Kulan looga hadlayey amniga deegaanada xuduudka ku yaala Gobolka Gedo oo ka dhacay degmada Beledxaawo.
Kulanka uu shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa looga hadlay wada shaqeynta iyo iskaashiga ciidamada,sugida amniga degaanada katirsan gobolka Gedo iyo sidii loo coojin lagaa lahaa howlgalada ka dhanka ah Alshabaab .
Sidoo kale’ kulanka ayaa looga hadlay dhisida ciidamo cusub oo darawiisha Jubland ah kuwaas oo qeyb ka qaadanayo sugidda amniga degaanada hoos tago gobolka Gedo.
Dhawaan ayay ahàayd markii Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe uu gobolkaas u magacaabay taliyaha ciidanka Darawiishata si loo tayeeyo ciidamada, loona dar-dargaleyo sugida aminga gobolka Gedo.



