DEG DEG: Xildhibaan hore oo Muqdisho lagu toogtay

Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow degmada Dharkeynleey waxa ay ku dileen xildhibaan hore C.Qaadir Qaasim Mursal Hadana ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiye Jawaari.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay  in dilka uu ka dhacay Xaafadda Ceel dheere ee degmada Dharkeynleey.

kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

C.Qaadir Qaasim Mursal ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii Baarlamaankii Madaxweyne Cabdi Qaasim Salaad Xasan , waxaana sanadyadii dambe uu ka shaqeynaayay Xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.