Weerar lagu qaaday Jaamacad ku taalla Kenya

Kooxo hubeysan ayaa Weerar ku qaaday jaamacadda Farsamadda ee degaanka Ukunda oo ka mid ah degaanada hoos yimaada Magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Kooxda hubeysan oo la aaminsansan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa toogasho ku dilay labo qof oo ka mid ah Shaqaalaha Jaamacadda iyo sidoo kale Ciidamo boolis ah.

Ragga hubeyan ayaa la sheegay in ay istaageen Iridda Jaamacadda ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen.

Ciidamada Booliska ayaa xaqiijiyay in ay baxsadeen raggii Weerarkaasi geystay oo dhamaa ilaa iyo 5 qof.