DEG DEG: Weerar lagu dilay Xoghaye oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa goor dhow Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Xoghayihii Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Sheekh Axmed Calasow, halka sidoo kalena ay dhaawaceen Guddoomiye waaxeed ka tirsan Degmadaaas, sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Axmed Cabdulle Afrax oo si kooban Risaala ula hadlay ayaa sheegay kooxo hubeysan in ay dilkan iyo dhaawaca Guddoomiye waaxeedka ka dambeeyeen, laguna raadjoogo.

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo u waramay Risaala ayaa sheegay Xoghayaha iyo Guddoomiye Waaxeedka Gaari ay wateen in lagu horjaray Gaari kale, sidaasina lagu Rasaaseeyay.

Waxa uu sheegay in lagu raadjoogo raggii dilka ka dambeeyay, loona dulqaadan doonin mar walba in dil uu dhaco, kooxihii ka dambeeyayna ay baxsadaan.