Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa Degmada Yaaqshiid ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar khasaare geystay.
Weerarkan oo ay ka dambeeyeen rag ku lebisan Dareeska Ciidanka Dowladda ayaa waxa ay weerar ku qaadeen ilaalaad Hotel Golden oo ku yaalla Isgoyska Suuq-bacaad ee Degmada Yaaqshiid.
Kooxdii weerarka soo qaaday ayaa waxa ay dileen 2 ka mid ah ilaalada Hotelka, halka sidoo kalena ay dhaawaceen mid ka mid ah ilaalada Hotelka, waxaana ay qaateen hal Qori.
Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan baaritaano ku aadan sida uu weerarka u dhacay.


