DEG DEG: Wariye ka badbaaday Qarax gaarigiisa loogu xiray

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax gaarigiisa loogu xiray uu ka badbaaday Sawir qaade ka tirsan Wakaaladda Wararka Reuters.

Wariyaha ayaa waxaa lagu magacaabaa Faysal Cumar Xaashi.

Sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka Qaraxa waxaa uu ka qabsaday gaariga Wariyaha.

Sidoo kale dadka degaanka waxa ay inoo sheegeen in aysan jirin Khasaare Nafeed oo Qaraxaasi ka dhashay.

Waxii kusoo kordha kala soco Risaala.net