Toogasho ka dhacday magaalada Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in ciidanka ammaanka dowladda federaalka ay halkaasi ku toogteen nin hubeysnaa.

Dad goobjoogayaal ayaa waxa ay sbeegeen in ciidamada booliska ay toogteen nin bastoolad ku hubeysnaa, halka sidoo kale ay dhaawaceen mid kale oo ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda.

Raggan ayaa ahaa burcad dhac u geysaneysay ganacsatada suuqa Bakaaraha, maalmihii la soo dhaafayna ay ku daba jireen ciidanka ammaanka.

Meydka ninka la dilay iyo midka dhaawaca ah ayaa la geeyay xarunta dambi baarista ee CID-da, sida ay Idaacadda Risaala u sheegeen qaar ka tirsan ganacsatada suuqaasi.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ku kordhay dhaca ay geysanayaan dableyda hubeysan, waxayna dhibaato ku hayaan shacabka reer Muqdisho.