Muqdisho-RisaalaFMN- Wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa wadada Bundooyinka, gaar ahaan goobta loo yaqaano Baar Ha-idhaafin ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare kala duwan.
Shilkan ayaa yimid kadib markii Gaari cara-gedis ah oo si xawli ah ku socday uu ku dhacay Gaari Karoolo ah iyo Mooto-bajaaj xilligaasi wadada marayay.
Inta la xaqiijiyay shilkan ayaa waxaa ku geeryootey Haweeney cuuryaan ah, oo wadada hareeraheeda ku Ganacsaneysay iyo 2 Qof oo kale oo mid ka mid ah uu ahaa wadihii Mooto-bajaajka.
Ciidanka ammaanka iyo Maamulka Degmada Xamar-jajab ayaa waxa ay gaareen goobta uu shilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Haweeneyda Meydka ah iyo dhaawacyada.


