Baydhabo-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare isugu jir a Dhimasho iyo Dhaawac.
Shilkan ayaa yimid kadib markii 2 Gaari oo is garab socday ay isku dhaceen kuwaas oo ka yimid Meyd lagu soo Aasayay Duleedka Magaalada Baydhabo.
Inta la xaqiijiyay 3 Ruux ayaa ku dhimatay Shilkan oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 7 Ruux oo kale.


