DEG DEG: Shabaab oo rasaas ku furay Gaari marayay Deynuunay

Baay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degaanka Deynuunay oo ku yaalla Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay Rasaas ku fureen Gaari ay wateen dad shacab ah oo ku si jeeday Magaalada Baydhabo.

Rasaasta Shabaabka ay ku fureen Gaariga ayaa timid kadib markii Ciidamo Boolis ah oo ka tirsan koonfur Galbeed ay xoog ku soo raaceen Gaariga rasaasta lagu furay.

Inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay oo 2 ka mid ah ay yihiin Ciidanka Koonfur Galbeed, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 8 Qof oo shacab ah.

Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa soo sheegaya dhaawacyada in la soo gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Baydhabo, si halkaasi loogu dabiibo.

Ciidamo ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxa ay gaareen goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.