DEG DEG:-Rasaas laga dhex maqlay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Goordhow ayaa waxaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada muqdisho oo ku yaalla degmada Xamar Jajab ee gobolkan Banaadir waxaa laga dhex maqlay rasaas ka dhaceysa Gudaha Xabsiga.

Weli lama oga cidda ku dagaalameysa Gudaha Xabsiga,hayeeshee warar aan la xaqiijin ayaa waxaa ay sheegayaan in Nin kamid ah Maxaabiista xabsiga uu uu gacanta ku dhigay Qoray,isla markaana uu rasaas bilaabay.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay rasaasta uu furay qofka maxbuuska ahaa, iyada oo Ciidamada Asluubta iyo kuwo Boolis ah ay wadaan sidii Ninkaasi lagu qaban lahaa.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirnay si aan wax uga ogaano rasaasta laag dhex maqlay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho balse nooma suurtagelin.

Wararka kusoo kordha kala socda Radiorisaala.com