Kenya-RisaalaFM- Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay isaga iyo ku xigeenkiisa Kalonzo Musioka in ay ka hareen tartanka doorashada Madaxweynaha ee dhammaadka bishan.
Wuxuu sheegay in dalabaadkooda aan la aqbalin ka dib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August.
Isbeheysiga Mucaaradka ee Kenya ayaa dalbaday in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada la badalo.
Raila Odinga ayaa sheegay in go’aankoodu uu ahaa in doorashada ku celiska ah lagu qabto hannaanka ay maxkamadda amartay, kaas oo uu dhigayo dastuurka”.
Qoraal ay soo saareen hoggaamiyayaasha mucaaradka waxay ku sheegeen in IEBC ay si ula kac ah uga hor timid isbedelka muhiimka ah si loo xaqiijiyo in doorashada 26-ka bishan u noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Waxay guddiga ku eedeeyeen in uu yahay meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.
“Doorashada keli ah ee Jubilee ay aqbalayaan waa mid ay iyaga ku guuleystaan,” Ayuu sheegay Raila oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.
Waxay guddiga ugu baaqeen in uu joojiyo hannaanka qabashada doorasho ku celis ah, ayna billaabaan hannaan cusub oo doorasho lagu qabto.



