DEG DEG: Qaraxyo khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Baay

Baay-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Baay gaar ahaan Degmada Buur-hakba ayaaa waxa ay sheegayaan 2 Qarax oo khasaare geystay in ay ka dhaceen halkaasi.

Qaraxyadan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana ay geysteen khasaare kala duwan, sida ay Risaaala u sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada.

Inta la xaqiijiyay 1 Qof ayaa ku dhintay Qaraxyadan, halka sidoo kalen ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 3 Qof oo kale.

Faah faahin Dhameystiran goor dhow kala soco Radiorisaala.com