Faah faahin Qaraxyo ka dhacay degaanka Af-urur

Bari-RisaalaFM- Degaanka Af-urur oo ka tirsan gobolka Bari waxaa laga maqlay laba qarax, sida ay sheegeen dadka degaanka ee halkaasi ku sugan.

Labada qarax ayaa la sheegay in la soo hoos geliyay kabarka Qaadka lagu iibiyo, waxaana lagu aadiyey xilli ciidan badan halkaasi qaad ka iibsanayeen, sida ay sheegeen dadka degaanka qaarkood oo aan la xiriirnay.

“Qaraxa kowaad markuu dhacay ciidamada ayaa isku dayey inay dadka waxyeelobay qaadaan, kadibna waxa dhacay Qarax labaad, khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa jiro, waxaa sidaas Risaala u sheegay gabar ka mid ah dadka degaanka.

Warar kale oo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan qaraxyadan xilliga ay dhacayeen in halkaasi ay ku sugnaayeen dad shacab ah, oo waxyeelo ay ka soo gaartay.

Warbaahinta Puntland ayaa tabineysa qaraxyada dhacay ilaa hada in ay ku dhinteen ilaa 5 qof, khasaare dhaawac ahna uu jiro, waxaana dadkii dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Puntland ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaano iyo howlgallo amni xaqiijin ah.

Saraakiisha Ciidamada maamulka Puntland oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen qaraxyada in ay jireen, balse hada ay wadaan baaritaano, iyo xooraansi, dibna ay ka faah faahin doonaan.