Sh/Hosse-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Deegaanka Golweyn ayaa waxa ay sheegayaan kolonyo ka tirsan Ciidanka AMISOM in halkaasi Qarax lagula eegaty.
Qaraxan ayaa ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso, waxaana lala beegsaday Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda.
War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen mas’uuliyada Qaraxan, sidoo kalena Qaraxa kadib halkaasi ay kula dagaalameen Ciidanka AMISOM.
Shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in weerarkaasi ay Ciidanka AMISOM ku gaarsiiyeen khasaare, sidoo kalena ay gubeen Gaarigii ay Miinada haleeshay, inkastoo Shabaabka aysan sheegin hadii uu jiro khasaare Dagaalyahanadooda soo gaaray.
Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika weli kama aysan hadlin weerarkan Qaraxa ku bilowday ee Deegaanka Golweyn lagula eegtay kolonyo Ciidankooda ka tirsan.


