DEG DEG:- Qarax oo goor dhow ka dhacay Iridka hore ee Hotel SYL

Labo qarax oo is xig xigtay ayaa si toos ah loogu weeraray Hotel SYL oo ku yaala agagaarka Beerta Nabadda oo maalin walbo ay u damaashaad tagaan dadka reer muqdisho.

Sidoo kale Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha Hotelka, waxaana wali aan la xaqiijin karin qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa goor dhow soo dhigay baraha Bulshada, iyagoo sheegtay inay ka mas’uul yihiin weerarka Hotelka SYL.

wixii kuso kordha warkaas dib ayaan adin kala soo socodsiin doonaa.