Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho sida ay u xaqiijiyeen idaacadda Risaala dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa waxaa uu ka dhacay goob maqaayad ah, waxaana la sheegay in uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxaasi.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net

 

.