DEG DEG: Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka Muqdisho qaarkood ayaa goordhow ka dhacay meel u dhow Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Wartanabada.

Goobjoogayaal ayaa Risaala u sheegay in Qaraxa uu ka dhacay goob ay degan yihiin Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halka Qaraxa laga maqlay waxaa ku taalla Xerada 27aad ee Ciidamada Xoogga.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha Qaraxa iyo sidoo kale noociisa.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net