Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha Magaalada Jowhar ayaa la sheegay in uu ka dhacay Afaafka hore ee mid kamid ah hoteelada kuyaalla Magaalada Jowhar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaas oo lagu weeraray Hotelka Nuur Doob oo ay degan yihiin Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Maamulka Hir-Shabeelle.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxa ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Faah faahinta Warkaan halkaan kala socda



