DEG DEG: Qarax ka dhacay Jalalaqsi

Jalalaqsi-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah, waxaana fuliyay Qof Miineysan, sida ay sheegeen Mas’uuliyiinta Degmada Jalalaqs ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa Risaala u sheegay Qaraxan in uu ku dhintay Ninkii is Qarxiyay oo keliya, khasaare kalena uusan geysan.

Ciidanka Ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinyao.