DEG DEG: Qarax ka dhacay Ex-kontorool Balcad

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Ex-kontorool Balcad ee Degmada Heliwaa ayaa waxa ay sheegayaan galabta in halkaasi uu ka dhacay Qarax khasaare geystay.

Qaraxan ayaa ahaa nuuciisa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana lala eegtay Gaari ay saarnaayeen dad shacaba ah.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacantay Qaraxan, sida ay Risaala u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Dadkii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa waxaa loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga cida lala damacsanaa Qaraxan, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka ammaanka, oo wada baaritaano.