Wararka inaga soo gaaray Isgoyska Ex Control Afgooye ayaa waxa ay sheegayan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay Qarax si weyn looga maqlay Agagaarka goobta uu ka dhacay, sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Risaala u sheegay Gaairga in ay qabteen Ciidamada ammaanka, kadibna uu Qarxay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxan ay ku dhaawacmeen Labo Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, maadaama xilliga uu Gaariga Qarxayay ay ka akdhowaayeen.
Ciidamo dheeraad ah oo goobta gaaray ayaa baaritaano ku wada Gaariga Qarxay iyo halka markii hore uu ka yimid, waxaana ay xireen wadooyinka soo gala goobta uu Gariga ku Qarxay.
Goor dhow filo sawirrada Gaariga Qarxay Risaala.net


