DEG DEG: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya agagaarka Garoonka Aadan Cadde ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay maqaayad ku taalla meel u dhow Garoonka.

Qof isku soo xiray Walxaha Qarxa ayaa isku qarxiyay maqaayada jalaato Devino oo kutaal wadada laga galo garoonka diyaaradaha Ee Adan Cade.

Ruuxa is qarxiyay ayaa gudaha u galay maqaayadda, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.met