DEG DEG: Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Marka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheevayaan in halkaasi goordhow uu ka dhacay qarax xoogan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magaalada.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ka dhacay Garaashka Cawaale oo ku yaal Xaafada Wadajir ee Magaalada Marka una dhow Saldhiga Booliska.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Faah faahinta warkaan kala socda www.radiorisaala.com.