Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaray wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow Gaari Walxaha Qarxa ay saaran yihiin uu ku Qarxay meel u dhow Hotel Maka Al-mukarama.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Qaraxa kadib la maqlay Rasaas ay rideen ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugnaa.
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu ka dhacay Qaraxa, waxaana ay wadaan baritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.


