Wararkii ugu dambeeyay Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Muqdisho-RisaalaFM- Qarax Gaari ayaa abaare saacadu marka ay aheyd 04:30-PM oo galabta ah waxa uu ka dhacay Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo ka soo horjeeda Hotelka Wehliye.

Gaari uu kaxeynayay nin isa soo miidaamiyay ayaa beegsaday Maqaaxi lagu shaaxeeyo oo galabtii si aad ah loo soo camiro, sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo ganacsi sida Dukaaman, goob Timaha lagu jarto iyo waliba Bakhaaro.

Gabdho ka badbaaday Qaraxaaxi oo goobta Shaax ku iibiya balse waxyeelo yar yar ay soo gaartay oo inala hadlay ayaa inoo sheegay in halkaasi uu soo istaagay mar qura nin kaxeynayay gaari, kadibna uu qarxay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ay soo eryanayeen gaariga Qarxay, Hay’adaha ammaankana ay ka warhayeen xogta gaarigan, balse inta aysan gacanta ku dhigin uu qarxay.

Gaariga qarxay oo nuuciisa lagu sheegay kuwa raaxada ayaa waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ah oo halkaasi galbihii u taga sheeko iyo Shaax, balse galabta ay halkaasi ay dhibaato ku qabsatay.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxayna Ciidamada xireen aagga uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo baaritaano halkaasi ka wada.

Saraakiisha Gaadiidka deg deg ah ee Ambalaasta oo aan la hadlay ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda caafimaadka, kuwaasi oo qaaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxan, khasaaraha ugu badan wuxuu soo gaaray dad halkaasi ku lahaa goobo ganacsi, sidoo kale waxaa burbur uu soo gaaray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaallla iyo gaadiid iyo Mooto Bajaaj wadada marayay.

11-kii bishii September 2017-kii ayay aheyd markii sidan oo kale isla goobtan uu ka dhacay Qarax gaari, kaasi oo dilay inka badan 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.