Muqdisho-RisaalaFM- Qarax Gaari ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho, sida ay inoo sheegeen dadka Degaanka.
Qaraxan oo ahaa mid lagu xiray Gaari Camera ah oo uu lahaa C/shakuur Ciise oo la sheegay in uu ka tirsan yahay shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sidoo kalena uu la shaqeeyo Hay’addo ayaa ka dhacay afaafka hore ee Gurigiisa oo ku yaalla Waaberi.
Qof goobjooge ah ayaa Risaaala u sheegay marka hore in C/shakuur uu Gaariga fuulay, kadibna uu ka shakiyay maadaama uu Gaariga gariiray, sidaasina uu uga degay, kadibna Gaarigii halkaasi uu ku Qarxay.
Ciidanka ammaanka Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano.
Sarkaal ka tirsan NISA oo si kooban Risaala ula hadlay ayaa sheegay Qaraxan in uusan geysan khasaare, balse kaliya uu bur bur soo gaaray Gaariga, jawigana hada uu yahay mid caadi ah.


